Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) waxa uu ku dhashay 1964-tii magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya, waxa uu shahaadada MBA ka qaatay Jaamacadda Sayniska ee Malaysia (USM) iyo Bachelor in Business Administration (BBA) International Islamic University (Malaysia) UIM iyo Diploma ka qaatay Machadka Qaranka ee Tirakoobka iyo Dhaqaalaha ee Muqdisho.
Waxa uu khibrad dheer u leeyahay maamulka. wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay Australia iyo Soomaaliya, sida Hay’adda Dooxada Jubba 1987 iyo Shirkaddii Horumarinta Beeraha ee Soomaaliya-Libya (LIBSOMA) 1986kii.
Mudane Ibraahim ayaa siyaasadda Soomaaliya ku soo dhex jiray tan iyo 2002dii, isagoo ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay dalka Kenya (2002-4) wuxuuna ahaa khabiir ka tirsan 2012-kii guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka (TSC), kaasoo soo xulay ergadii ka qeyb gashay ansaxinta dastuurka cusub ee Federaalka iyo xulista xilibaanada Baarlamaanka 9aad ee Federaalka Soomaaliya.
Intii u dhaxeysay Febraayo 2015 ilaa Maarso 2017 wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Wuxuu dib u habayn ku sameeyey nidaamka maaliyadeed ee ku saleysan (SFMIS) taasoo sare u qaaday maamulka maaliyadda, korna u qaaday dakhli uruurinta, iyo casriyeynta nidaamka lacag bixinta. Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay la macaamilka IMF iyo gudbinta shuruucda muhiimka ah, oo ay ku jiraan Sharciga Maalgashiga Shisheeye, Sharciga Ka Hortagga Lacagta Dhaqidda (AML/CFT), Sharciga Hantidhowrka Guud (Audit Bill), iyo Sharciga Qandaraasyada ( Procurement Bill). Wuxuu dhisay Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).
Mudane Ibraahim waxa aad looga ixtiraamaa gudaha iyo dalkaba. Waxa uu wax badan ku soo kordhiyey dhismihii Maamulka Koonfur-Galbeed ee 2013-14, waxaana uu taageero xooggan ka helaa dhalinyarada wax baratay ee gobolka. Dedaalladii samafal ee uu sameeyay, sida iskuul uu ka hirgeliyay Baydhabo iyo caawinta qoysaska danyarta ah, waxay sii kordhisay sumcadiisa.
Xildhibaan Ibraahim oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed oo uu ku leeyahay gudaha iyo dibaddaba.

0 Comments