Urur Siyaasadeedka DPC oo Qaadacay Doorashooyinka Gobolka Banaadir

by | Dec 10, 2025 | Press Release, War-saxaafadeed | 0 comments

Urur Siyaasadeedka Democratic Party for Change (DPC) wuxuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga baxay kana gaabsaday ka qaybgalka doorashooyinka la qorsheeyay in laga qabto Gobolka Banaadir.

Go’aankan adag wuxuu yimid ka dib qiimayn qotodheer oo lagu sameeyay hannaanka doorashada, kaas oo ay ka buuxaan dib u dhacyo soo noqnoqday, khaladaad baahsan, iyo hufnaan la’aan dhinacyo badan leh.

Ururka DPC wuxuu si cad u arkay in doorashooyinkan aanay ku salaysnayn awood sharciyeed, isla markaana ay lumiyeen kalsoonida shacabka:

  • Doorashooyinku waxa ay wajaheen dib u dhacyo soo noqnoqday tan iyo sanadkii 2023, iyadoon jirin jadwal rasmi ah oo fadhiya oo lagu kalsoonaan karo.
  • Doorashooyinkan kuma salaysna Sharciga Doorashooyinka mana waafaqsana Nidaam Sharciyeysan oo dhammaystiran.
  • Ma jiro heshiis siyaasadeed oo caddaynaya qaabka loo marayo maamulka doorashooyinka iyo habraac la isla ogolaaday oo ay ku mideysan yihiin daneeyayaasha siyaasadda.
  • Ma jirto nidaam iyo hay’ad madax bannaan oo loo igmaday sida loo maareeyo khilaafaadka ka dhasha hannaanka doorashada.
  • Waxaa jira xaqiiqooyin muujinaya in hannaanka doorashada loo sii qorsheeyay si aan loo sinneyn iyadoo hantida dowladda iyo agabka (resource) si cad loogu isticmaalay in lagu horumariyo ujeedooyinka gaarka ah ee xisbiga talada haya.
  • Qaabka loo wajahay Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxa ay lumisay kalsoonida shacabka.
  • Hannaanka hubinta iyo xulista golaha deegaanka oo noqday mid hal dhinac ah oo horseedaya hoggaan horey loo sii diyaariyay oo aan ka dhalan rabitaanka shacabka xor ka ah cadaadiska.

Ururka DPC wuxuu ku dhawaaqayaa inaysan qeyb ka noqon karin inay sharciyayso doorasho ka hor imaanayso mabaadi’da dimoqraadiga ah ee dhabta ah ayna wiiqayso xuquuqda muwaadiniinta.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hay’adaha qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si degdeg ah:

  1. Dib u eegis loogu sameeyo, lana habeeyo qaab dhismeedka doorashada Soomaaliya.
  2. In la bilaabo wada-tashi ballaaran oo ay ka qaybqaataan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah, iyo lagu kalsoonaan karo oo sharciga dalka u hoggaansanta.

DPC waxaa ka go’an tahay hannaan dimoqraadiyadeed oo dhab ah waxayna sii wadi doontaa u doodista dib-u-habaynta lagu ilaalinayo codka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *